Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in ay dhinteen 29 carruur ah, halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii xulafada uu hogaamiyo Sacuudigu ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen gobolka Sa’ada ee dhaca Waqooyiga dalka Yemen.

Dhimashada carruurtan ayaa timid kadib markii gaadhi bas ah oo ay la socdeen uu ku dhacay gantaal ay soo rideen diyaaradaha dagaalka xulafada Sacuudigu uu hogaaminayo.

Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa maleeshiyada Xuutiyiinta ah ee ka soo horjeeda dowladda, balse uu haleelay gaadhi ay lasocdeen dad shacab ah  sidaa waxa warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo dhanka caafimaadka dalka Yemen ka shaqeeya oo saxaafada caalamiga ah u waramay.

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Yemen ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada caruurtan duqaynta lagu xasuuqay ay kor u kacday oo ay gaadhay 43 carruur ah, halka dhaawaco uu marayo 61 qof. Dagaalka dalka Yemen ka socda waxaa ku barakacay kumanaan qof, waxaana wadankaasi ka jira xaalad bini’aadanimo oo aad u daran.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay