Ra,isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto in ay si cad uga hadasho tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo difaacida dadka rayidka ah.

Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa tan iyo markii uu xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyay Boqortooyada Sacuudiga iyo Canada isbuucii la soo dhaafay kadib markii dowlada boqortooyada Sacuudiga ay ka cadhootay hadal ka soo yeedhay safiirka Canada u fadhiya Riyaad.

Mr Justin Trudeau oo ka hadlay mashruuc maal galineed oo uu kaga dhawaaqay magaalada Montreal ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumada Canada aysan raali galin ka bixin doonin hadalkii hore. Waxaa uu sheegay in Canada dadka u dhashay ay marwalba ka rajeynayeen dowladooda in ay difaacdo xuquuqda aadanaha ayna difaaci doonaan waligood.

Ra,isul wasaaraha Canada ayaa ugu danbeyn sheegay in ay waajib tahay marwalba ixtiraamka iyo dhowrida xuquuqda aadanaha gudaha iyo dibeda. Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu eedeyay in ay xarig u geysatay xubno badan oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah waxaana ka mid ahaa haweeney caan ah iyo mid ka mid ah wadaadada sacuudiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay