Ciidanka JWXO/ONLF  oo dagaalo joogto ah la gala cadawga  ayaa maalmihii u danbeeyay wacdaro ka muujiyay  magaalooyinka waawayn  ee ogaadeenya, iyo meelo kale oo ka tirsan dalka

hadaba cutub ka tirsan qaybta Duufaan ee CWXO ayaa dhawaan  27/3/12 kamiin ka galay meel u dhaxaysa Higlalay iyo Cawlkudhal  oo ka wadatirsan degmada Dhagaxbuur waxayna halkaa ku naafeeyeen mid ka mid  ah Baabuurtii cadawga ,iyadoo ciidankii saaraana ay ka dhigeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay, warar laga helay ilo ku dhawdhaw cadawga ayaa sheegayaa in khasaare  balaadhan soo gaadhay cadawga,

dhinaca kale waxaa meesha loo yaqaan Haandameer oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur  lagu weerary 26/3/12 ciidamo si qasab ah looga soo hawlgaliyay magaalada Dhagaxbuur waxaa  halkaa  dhagta dhiiga loo daray 6 askari oo ka mid ciidanka cadawga halka dhaawacuna uu kor u dhaafay  9 askari

intaa ka dib ayaa ciidankii waxay si habqan ah u soo galeen xeryahoodii ,waxaana la cadeeyay in la dareemayo mooraal xumada ciidanka cadawga taasina ay suuragalisay in mar walba lagaga guulaysto goobaha dagaalka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay