Shirweynihii Jaaliyada Ogadeniya ee Pacific oo lagu qabanayo Magalada weyn ee Perth, Australiya. Shirkan ayaa waxa loogu baaqaya inay kasoo qeyb galaan shacabweynaha Somalida Ogadeniya iyo dhamaan Somaliweynta  ku nool wadanka Australiya iyo Newzealand iyo Xeebaha Pacific oo dhan.

Shirkan oo ah shir sanadeed lagu qiimeyo waxqabadka Jaaliyada Pacific oo ka kooban wadanka Australiya iyo Newzealand iyo waliba Jaziiradaha Qaarada Pacific ayaa sanadkan waxa la filaya in wacdaro ka dhaco.

Hadaba dhamaan Xubnaha Jaaliyaadka iyo maamulada Goboladaas ayaa kasoo qeyb gali doona, Waxgarad iyo aqoonyahamiin kasoo jeeda Geeska Afrika iyo waliba Masuliyiin heersare ah oo ka tirsan wadanka Australiya.

Ha mooganin..Malumaad dheeri ah hadaad u baahato fadlan kala xidhiidh Telefanada ka muuqda shaashada sare Xayaysiinta.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay