Waxaa hada magaalada muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya kasocda shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin. Aqoonyahan iyo wax garad ayaa hada sitoos ah uga socda hotel kuyaala magaalada muqdisho.

Kulankan oo ah mid uu heerkiisu sareeyo waxaa soo abaabulay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO, waxaana shirka kaqayb galay xubno sarsare oo katirsan Jabhada ONLF.

Kulanka maanta ayaa wajiyadooda lagu arkayay xildhibaano, wasiiro hore, iyo madax katirsan maamul goboleedada Soomaaliya iyo waliba aqoonyahan faro badan.

Waxaa ugu horaynba kulanka ka kahadlay halgame Muxumed Asad oo kamid ah saraakiisha JWXO, wuxuuna halgame Muxumed kasoo qayb galayaasha uga warbixiyay xaalada guud ee wadanka Ogaadeeniya iyo isbadalada kajira guud ahaan geeska Africa gaar anaan wadanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa kulanka kahadlay xubno kale oo katirsan Jabhada ONLF kuwaas oo madaxdii soomaaliyeed ee shirka fadhiyay siiyay xogo badan oo kadahsoonaa isla markaana usheegay in wadanka Ogaadeeniya uu xiligan ubaahan yahay in lagarab istaago.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay madaxdii soomaaliyeed ee kulanka soo xaadirtay, waxayna gabi ahaanba taageero umuujiyeen Jabhada ONLF iyo wadiiqaha ay ujeexday halganka Ogadenia kasocda.

Sidoo kale madaxda soomaaliyeed ee kulanka sooxaadirtay ayaa shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uga tacsiyeeyay dhibaatadii ay soomareen gaar ahaan dhibkii ay ugaysteen maamulada Soomaalida iyo waliba shakhsiyaadka Soomaalida ah.

ONA Muqdisho,

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay