Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadeniya ayaa sheegaya in xukuumada Gumaysiga Itoobiya ay wax xukun deg deg ah u’eg galisay wadanka la gumaysto ee Soomaalida Ogadenia kaas oo wakhtiga uu wadanka saaraan doono aan lacayimin qaabka uu ushaqaynayana aan laqeexin.

Sida xogta aan kuhelayno hogaanka ciidamada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in wadanka Ogadenia ay kahirgalinayaan ciidamo Comond Post ah oo sida ay sheegeen kahowl gali doona guud ahaanba dhulka Ogadenia, kuwaas oo sida uu talisku sheegay iyagu qabandoona dhamaan howlihii amaanka ee wadanka.

Sida taliska ciidanka Gumaysigu uu sheegay ciidamadan ayaa kakoobnaan doona ciidanka gaarka ah ee Makala Kalaa ga looyaqaano, ciidamada Mulatariga Itoobiya iyo waliba Booliiska Soomaalida ah ee kahowl gali jiray Wadanka, waxaana lasheegayaa in qaab isku dhaf ah ay uhowl gali doonaan ciidankan oo siguud hal meer amarka uga qaadan doona.

Taliska ciidanka Gumaysiga ayaa ciidankan usoo magacaabay nin Janaraal ah oo lagu magacaabo Balay Siyun kaas oo sida lasheegay maamulaya waxa loogu yeedho qaybta Koonfur Bari ee wadanka Itoobiya, waxaana lasheegayaa in amaanka wadanka Ogadenia laga maamuli doono taliska dhexe ee ciidamada Itoobiya ilaa iyo xili aan lacayimin.

Xukunkan dag daga ah oo maalinnimadii shalay oo Sabti ahayd soobaxay ayaa laga muujiyay dareen wayn waxaana loo arkaa in uu yahay gumaysi gaar ah oo xukuumada cusub ee Itoobiya ay saartay shacabka Soomaalida Ogadenia iyo dalkeedaba kaas oo ka mugwayn kii awal saaraa kana duwan midka qoomiyadaha kale saaran.

Badhtamihii todobaadkan unbay ahayd markii shacabka Magaalada Jigjiga ay kuwaabariisteen ciidamo mulatari ah oo guri walba hortaagan isla markaana qabsaday xarumihii maamulkii maqaar saarka ahaa ee magaalada Jigjiga fadhiyay, kaas oo maalin kadibna xoog lagu kaxaystay wakiilkii gumaysiga ee magaalada Jigjiga Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeeldheerayaasha dhinaca siyaasada ayaa talaabooyinkan kumacneeyay gumaysi cusub iyo siyaasada ururka OPDO oo lagu fidinayo deegaanada aan Oromia ahayn oo iyagu aan la dhacsanayn qaabka uu wax usocdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay