Dowlada Ingiriiska ayaa gaashaanka udaruurtay eedaymo kaga imaanayay hay’adaha xuquuqul insaanka iyo ururada daneeya wadanka Ogadenia kuwaas oo kusaabsanaa in ay iyagu abuureen ciidanka Layuu Police-ka looyaqaano oo tacadiyo waawayn kagaystay wadanka Ogadenia.

Afhayeen u hadlay dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in aysan iyagu wax lug ah kulahayn abuuristii iyo dhiiri galintii ciidanka Layuu Police-ka looyaqaano oo 11kii sano ee lasoo dhaafay kajiray wadanka Ogadenia, kuwaas oo loosameeyay dhibaataynta shacabka Soomaalida Ogadenia.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo aqoonyahanka udhashay Ogadenia ayaa dowlada Ingiriiska ku eedeeyay in ay iyadu bixiso mushaarka iyo tasiilaadka kale ee kubaxa ciidanka Layuu Police-ka waxaana lasheegay in ay dowlada Ingiriisku ahayd maskacdii kadambaysay samaynta ciidanka Layuu Booliiska looyaqaano.

Dowlada Ingiriiska oo kacabsi qabta in ay lug kuyeelato xasuuqii ay ciidanka Layuugu gaysteen ayaa iska fogaysay kulug lahaanshaha samayntaiyo taageerida ciidanka Layuuga kuwaas oo sida lawada ogyahay tacadiyo aan kala sooc lahayn kagaystay wadanka Ogadenia.

Ciidanka Layuu Police-ka oo aan ahayn ciidan kamid ah ciidamada rasmiga ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa si bahal nimo ah wadanka Ogadenia ugagaystay tacadiyo kadhan ah shacabka Soomaalida Ogadenia, waxaana siwayn ugu danaystay dowladaha Ingiriiska iyo Itoobiya oo midba dangooni ah kalahaa wadanka Ogadenia.

Sida lawada ogyahay Dowlada Ingiriiska ayaa dhagar wayn kagashay shacabka Soomaalida ee Ogadenia kudhaqan, kuwaas oo ay gacanta ugalisay gumaysi madow oo xaqoodii baabi’iyay isla markaana ilaa iyo maanta kor saaran, waxayna shacabku eedaas uhayaan dowlada Ingiriiska.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay