CWXO ayaa kamiin iyo dabino kale duwan  oo uu ugu talagalay inuu ku naafeeyo isgaadhsiinta dhulka ee cadawga ka galay wadada isku xidha Qoraxay iyo Jarar gaar ahaan agagaarka deegaanka Birqod.

Ugu horaynba waxay ciidanka  JWXO 27March  2012 ka xidheen kamiin meesha loo yaqaan Xangay oo Birqod u jirta kudhawaad 10 km  dhinaca waqooyi  halkaas oo lagaga gubay hal Baabuur iyo dhamaan ciidankii saraa , waxa kale oo waxyeelo badan soo gaadhay Baabuur kale kaasoo ciidankii saraa uu wax dhintay iyo wax dhaawac ah noqday, mudo ka dibna laga jiiday goobtii. Maalin ka dib 28 March2012 ayay marlabaad waxay ciidanka JWXO kamiin ka xidheen meel aan sidaa uga fogayn, Birqod oo loo yaqaan Adeega halkaas oo ay ku  sahaydeen hal baabuur iyo ciidankii saraa.

Dhinaca kale 25 March 2012 dabin loo dhigay kolanyo gaadiid oo maraysay  agaagrka Dhagaxle  ayaa waxaa  dhaawac loo gaystay hal Baabuur iyadoo ciidankii saaraana ay ka dhinteen 4 askari 12 kalana ay soo gaadheen dhaawacyo halis ah

27 March  2012 weeraro lagu kala qaaday deeganada  Bushle oo ka tirsan Baka iyo Duud Shariif oo ka tirsan Birqod  ayaa cadawga lagag dilay  3 askari 5 kalana lagaga dhaawacay .

29 March 2012 Cadaadlay oo ka tirsan degmada Qabri-dahar ciidamada cadawga oo marayay  ayaa waxaa lagu qaaday weerar  sadedex jeer hal maalin,  weerardan  ayaa la sheegayaa inuu khasaare balaadhan ka soo gaadhay cadawga isagoo ka dib markii uu xamili waayay u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Qabri dahar,faahfaahinta warkan  uu buuxa dib ayaan ka soo sheegaynaa.

Isla taariikhdan  ciidamo ka tirsan cadawga oo ku sugnaa  deegaanka  Balliga-cas oo ka tirsan degmada Xarshin  ayaa weerar lagu soo qaaday ,haseyeeshee ciidankaas waa baqday  ka dib markii  ay dareemeen culayskaa waana la gaadhi waayay ,maalin ka dib 30 march 2012 ayaa ciidankii cadawga oo lagu soo xoojiyay gurmad kale waxay dib ugu soo laabteen Balliga-cas  halkaas oo kamiin loosii galay  ay si fiican ugu dhaceen

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu soo gaadhay ciidanka cadawga  khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba  leh.  dagaalkan ka dhacay Ballig- cas ayaa badalay jawigii deegaanka xarshineed  iyo dadkii ku noolaa ,

Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ayaa maalmahan  kordhiyay duulimaadyada  iyo weerarda gudaha iyo agaaraha goobaha muhiimka ah ee uu ku sugan  yahay cadawgu ,iyadoo xilliga lagu jiro uu yahay mid adag   oo Jiilaal ah taasina waxay mujinayasaa adadayga  iyo kalsoonida Ciidanka JWXO.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay