Waxaa shalay aad baraha bulshada loogu hadal hayay fadeexad wayn oo soo wajahday bogga ay twitterka ku leeyihiin hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO qaybteeda Ethiopia kaas oo loogu jawaabay qof aragtidiisa ku dhiibtay bogiisa gaarka ah, qofka loo jawaabay ayaa qoray “ Dadka dhibaatada ka wado dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa maalgelinaysaa dowladda federaalka Itoobiya”sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in ay doonayaan inay dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay ka huriyaan dagaal qabaa’il islamarkaasna uu qorshuhu yahay in kicinta qabaa’ilka la doonayo in xilka looga tuuro Cabdi Ileey.

 

Qof isticmaalayay Bogga hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sidaan ugu jawaabay “Beenlow! Si fiican ayaad u ogsoon tahay cidda maalgelisa ciyaal suuqa. Xaqna uma lihid in aad u nisbayso xukuumadda federaalka adigoo xigasho dhex galinaya” arinkaan ayaana filanwaa ku noqotay dadka ku xiran bogga Who iyo kuwa isticmaala Twitterkaba.

Ugu danbayn hay’ada ayaa qoraal kooban oo dib loogu soo daabacay boggeeda waxa ay sheegtay in qoraalkaan uu ka daabacay qof ka mida shaqaalahooda haddana baaritaan lagu wado, sidoo kalena waxa ay xuseen in ay dhexdhexaad ka yihiin arimaha siyaasada.

Shares
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay