Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

Xabbad-joojin hal dhinac ah (Unilateral Ceasefire)

12 August 2018

Iyadoo ka duulaysa baaqii nabadeed ee ka soo yeedhay xukuumadda Itoobiya ee ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu madaxda ka yahay, Iyadoo tixgalinaysa tallaabooyinkii nabadda loogu gogol-xaadhayo ee dowlada Itoobiya qaadday.

Iyadoo dareensan sida ay wax ugu dhimi karto xasilloonida iyo nabadda tallaabo millatari oo qolo keligeed ahi iskeed u qaado, Iyadoo muujinaysa sida ay diyaarka ugu tahay in waddo nabadeed loo
maro xalka dhibaatada Ogaadeenya.

Iyadoo ka turjumaysa kaalinta ay ku leedahay raadinta xasilloonida iyo nabad ku wada-noolaansho laga hirgaliyo gobolka Geeska Afrika, Iyadoo aaminsan sida ay lagama maarmaan u tahay in la abuuro jawi nabadeed oo suuragalin kara in labada dhinac ay yeeshaan wadahadal lagu dhammeeyo dhibaatada Ogaadeenya.

Waxay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ku dhawaaqaysaa xabbad-joojin hal dhinac ah, oo ka billaabanaysa maanta, oo taariikhdu ay tahay 12 August 2018, markay saacaddu tahay 12.00 Duhurnimo, iyadoo hakisay dhammaanba hawlgalladii ciidan ee ka dhanka ahaa Ciidammada
Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya. Xabbad-joojintani waxay soconaysaa ilaa iyo inta labada dhinac ay ka gaadhayaan heshiis nabadeed oo
dhammaystiran.

Jabhaddu waxay xukuumadda Itoobiya ugu baaqaysaa inay iyaduna dhinaceeda qaadato go’aan midkan la mid ah, si loo hakiyo colaadaha
ka taagan gayiga Ogaadeenya, isla markaana wadahadallada nabadeed fursad loo siiyo.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO).

12 August 2018.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay