Waxa kusugan Ogadeniya wafti heer caalami ah oo isugu jiray, haya’daha Qaramada Midoobay, iyo saraakiil kasocday wadamada Deeqaha bixiya ee ku bahoobay G8. Dirsta waftidan ayaa ka dabaysay kadib markii la ogaaday in deeqda lasiiyo Itobiya ee loogu talagalay dadka shacabka ah ee tabaalaysan iyo arimaha horumarinta in loo adeegsaday arimo mulatari, siiba dalka Ogadeniyaa  ayaa deeqanah loogu talagalay lagu biilaa maxaysatada daacada u ah Cabdi Iley dhiigyacabka Ogadenya ee lagu magacaabo liyu booliska, dadkuna ugu yeedhaana Hawaarin, kuwasoo deeqda caalamka lagu qalabeeyo, raashinka qamidida ahana lagu biilo.

Wararka aan ka heleyno jigjiga ayaa sheegay in cidamo  fara  badan loodiyariyey  waftida markay soo gadheen maagalada loona sheegay in alshabaab iyo alqacida joogan Ogadeniya oo amnigooda la sugayo taasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay siday ku tilmaameen dadka waxa garadka ah in lagaga hortagayo in xog rasmi ah ay helaan wafdigan socda ama ay arkan  xaaladda dhabta ah ee dadka shacabka ah  ee caadiga ah ay ku noolyihiin.

waxaa loo diyariyey goobo laga sii shaqeeyey oo dadka lagu sii ururiyey, sida Qabribaxaya, Shiniile, Jinacasanay, xaafada magalada Jigjiga. Wararka ayaa  intaa  ku daray in turjumaano laraciyey katirsan maxaysatada Hawaarinta iyo shaqaalo hoosadaka xafiska Cabdi ubo taasoo sii adkeen doonta in lahelo xog dhab ah.

Waxaa sidoo kale magalada Jigjiga lagu soo ururiyey maamulada dagmooyinka  Ogadeniya. Gudoomiye-yaasha iyo madaxa xafiisyada ayaa kusugan xerada loo yaqano TTI -da ee lagu tabobaro macalimiinta, waxana ku xareysan yahiin muda 5 maaalmood ah. Maamuladan oo qaar ka mid ah aan kula xidhiidhnay khadaka  telefanka ayaa noo sheegeen in macalimiin Tigree ah ay wax barayaan, lana  barayo waxay ku sheegeen sida looga hortago ururda mucardka ah iyo ka hortaga  qalalaasaha. Waana arin Itobiya oo idil ka socota, ka dib markay dareemeen Wayaanaha inuu shacabka aad u kacsan yahay oo mucaaradka ay u midoobeen.

Xubnahan aan la xidhiidhnay oo codsaday in aan lamagacaabin, ayaa raaciyay in loo dajinayo qorshe cusub oo lagu gumaadayo dadka shacabka ah. Mar  aan  waydiinay; maad  diidaan hadii la’idin leeyahay dadka gacan kulul halagu qabto ayuu noogu jawabay mid kamid ah;  “Hadaan ka hadalo naftanada ayaan ku wayaynaa. Waxan rabana  in aan biilka caruurtana u helo jeel Ogadena aanan galin.”

ONA jigjiga

 

 
 

1 Comment

  1. hogosha says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war ragu ragii maamulada ahaan jiray u ekaa sida loo jaadi ayaaba cajiib ah. war jaadka ka kaca oo kor fiiriya

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay