Jaaliyada Ogaadeniya magaalada mombasa ee wadanka kenya faraca Horseed ayaa maanta isugu yimid xaflad lagu xusaayo sanad guuradii 34 aad ee kasoo wareegte aas aaski Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO).

Xafladan yaa waxaa lagu daah furay aayado quraana iyo wacdi sidi caadiga aheyd Kadib waxaa waxaa halkaas warbixin kooban looga ladhageyste
Mudane Mohamed macalin oo kamid ah masuuliyiinta JWXO Kadib waxaa halkaas laga jeediyay taariikh kooban oo kusaabsan halganka Ogadeniya ee JWXO hormuudka u tahay.

Intaa kagadaal ayaa xubnihii kasoo qeyb galay xaflada waxay su’aalo ku saabsan isbadalka Itoobiyaka dhacay wax ka waydiiyeen masuuliyiinta jabhada wadaniga xoreynta Ogadeniya waxaana looga jawaabay si waafi ah.

Shacabki kasoo qeyb galay xaflada ayaa aad usoo dhaweeye go’aanka jabhada ee ku aadan xabad joojinta iyo shirka kadhici doono adis ababa sidoo kale xubnaha ayaa waxaay codsadeen maadaama maalmo aad ufadli badan lagu jiro in loo duceeyo dadkii ku shahiiday halganka ogadenia kuwi ku dhaawacmay iyo kuwa xabsiyada ugalayba.

Xaflada ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi aad ufiican iyo isfahan la islana qaatay in dadkeena lamideeyo looguna baaqo inay ka qayb qaatan isbedelka kasoo cusboonaaday gumaysiga Itoobiya una midoobaan sidaay wadanka ku hanan la haayeen.

ONA/Mombasa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay