Jaaliyada Ogadenya ee ku dhaqan wadanka Denamark iyadoo ka duulaysa baaqii gudaha weynaa ee ururka ONLF uu ku baaqay midnimo, waxay maanta oo Axad ah 12 Aug.2018 shir weyn ku qabatay caasimada Wadanka Denmark ee Copenhagen. Shirkan oo ujeedadiisu ahayd wadatashiga iyo midnimada shacabka Soomaalida Ogadenya ee ku nool wadanka Denmark ayaa waxaa la isaga kala yimid gobolada wadanka Denmark si loo muujiyo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaalida Ogadenya.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kamid ah ururka ONLF, masuuliyiin ururo bulsho, aqoonyahan, culimo-awdiin iyo dhammaan qaybaha bulshada ayaa waxaa warbixin dheer oo ku qotanta marxalada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Ogadenya kasoo jeediyey Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Xasan Macalin Muxumed wuxuna si qoto dheer leh uga warbixiyay isbadallada deg degga ah ee ka socda Geeska Afrika siiba Ogadenya. Mudane Xasan oo taariikh halgameed badan oo taxane ah ka hadlay ayaa kusoo gabagabeeyey in hadii la fahmi waayo siyaasada maanta ay tahay ayaan darro kale .

Sidoo kale Waxaa madasha ka hadlay Dr. Xasan Xaaji Barre oo ah siyaasi ahna oday Soomaaliyeed oo caan ka ah gayiga Soomaaliyeed, wuxuuna Dr. Xasan Xaaji Barre ku nuux nuuxsaday qiimaha ay leedahay midnimadu, wuxuuna dadkii shacabka ahaa ee madasha yimid ka codsaday in la iska iloobo magacyada badan iyo ujeedooyinka kala duwan ee ragaadiyey umada Soomaalida Ogadenya.
Dr.Xasan Xaaji Barre isagoo ka duulayay isbadaladan cusub ee sida xawliga leh ku socda ayuu si guud ugu baaqay in gacmaha la is qabsado loona midoobo danta guud sida ay ugu midoobeen qowmiyadaha kale, wuxuuna goobta ka cadeeyey in si buuxda loo taageersan yahay ururka ONLF isagoo ku booriyey ururka inay hogaaminta shacabka halkaas kasii wadaan, ishana si wadajir ah loogu hayo dibindaabyooyinka cusub ee laga yaabo inay yimaadaan.

Dhanka kale Gen. Cabdullahi Mukhtaar oo kamid ah masuuliyiinta ugu sarreysa ururka ONLF ayaa si faah faahsan uga hadlay barnaamijka siyaasiga ah ee ururka ONLF, wuxuuna Gen. Cabdullaahi qeexay siyaasada iyo mabaadi,da rasmiga ah ee ururka ONLF waligeed ku qotontay taas oo ah Midnimo iyo inay shacabka S/Ogadenya iskutashadaan. Gen. Cabdullaahi Mukhtaar ayaa ka warbixiyey talaabooyinka cusub ee ururka ONLF ku dhaqaaqay sida: Xabad joojinta, iyo dadaalka siyaasiga ah ee ururku wado, Gen. C/Mukhtar ayaa kusoo gunaanaday in ururka ONLF ay sidii hore iyo si kasii dhumuc weyn u baadi goobayaan wadatashiga iyo midnimada umada Soomaalida Ogadenya.

Ugu dambayntii shirka Wadatashiga iyo Midnimada ee Denmark ka dhacay ayaa waxaa talooyin iyo aragtiyo qiimo badan kasoo jeediyey culimo ay kamid yihiin Sheekh C/Xakiim Ismaaciil Macalin Khaliif (Sheekh Cabdi Eesh) iyo Sheekh Xasan Shiine, aqoonyahano ay kamid yihiin Mudane Maxamed Muxumed Gaas (Afrikan), Mudane Nuur Caleen iyo Hooyooyinka sida :Halganto Istaahil Xirsi Mahad , Marwo Canab Weli Cabaas iyo Marwo Tariig Haybe oo dhamaantood ku nuux nuuxsaday qiimaha ay leedahay midnimada iyo wadajirka umadu iyo siday diintu noo fartay.

Shirka Wadatashiga iyo Midnimada Shacabka Soomaalida Ogadenya ee Denmark waxaa si mideysan loosoo dhaweeyey qorshayaalka iyo go’aamada geesinimada leh ee ururka ONLF qaadatay taas oo loo rajeeyey inay guul gaadhsiiso shacabka Soomaalida Ogadenya. Waxaana shirka laga soo saaray baaq ka kooban 6 qodob:

Baaq

1-In la midoobo lana joojiyo khilaaf nooc kasta oo uu yahay si wadajir ahna looga shaqeeyo midaynta Shacabka S/Ogadenya gude iyo dibadba.

2-In dhammaan umada dalkaas u dhalatay ay dib ugu laabtaan wadankii dadkana lagu baraarujiyo sidii dib loogu noqon lahaa.

3-In daris wanaag lagula noolaado qowmiyadaha dariska nala ah isla markaana laga feejignaado dibindaabyada colaadeed ee laga hurinayo dibada.

4-Waa in aan cidna laga ogolaanin faragalinta dibadeed iyo uyeedhinta shacabkeena waxaysan doonaynin xorna u ahaadaan doonitaankooda.

5-Shirku wuxuu ugu baaqayaa Garaadyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo indheergaradka ku sugan gudaha dalka inay ilaaliyaan midnimada iyo xasiloonida dalkooda iyo dadkooda, isla markaana si wadajir ah uga hortagaan ficil kasta oo nabadgaliyada ku keeni kara carqalad.

6-Shirku wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaalida Ogadenya ee gudaha ku sugan inay adkaystaan maamulkooda, isla markaana si wadajir ah uga hortagaan wax kasta oo fowdo maamul ku keeni kara xasiloonida dalka.

Gabagabadii Shirka wadatashiga iyo midnimada ayaa lagu gunaanaday gabay guubaabo ah oo uu Abwaan Yuusuf Jaamac kaga hadlay kuna tusaaleeyey midnimada iyo wadajirka umada, waxaana shirka lagusoo xidhay cafis guud oo la is wada cafiyey.

Midnimo. Mintid. Iskutashi. Guul . Allaahu Akbar
12 Aug,2018 Copenhagen – Denmark

IMG_0502

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay