Waxaa maanta xabad joojin hal dhinac ah ku dhawaqday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee (JWXO/ONLF).  Go,aanka JWXO oo ahaa mid xiligii loogu tala galay kusoo beegmay ayaa waxaa siwayn usoo dhaweeyay guud ahaan shucuubta Geeska Afrika gaar ahaan shacabka Soomaalida Ogadenya oo colaad gaamurtay ay saamaysan sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa dadka sida wayn usoo dhaweeyay go’aanka Jabhada kamid ahaa madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, ganacsatada, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka Soomaalida Ogadenya oo laf dhabar u ahaa halganka ay JWXO hormuudka ka tahay.

Hadaba garaadka guud ee Soomalida Ogadenya Garaad Kulmiye Garaad Maxamad Garaad Dool oo idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga lahadlayay ayaa sheegay inay aad iyo aad ugu farax sanyihiin una soodhawaynayayaan go,aanka ay qaadatay jabhada ONLF.

Garaadka ayaa intaa ku daray in uu Jabhada ugu baaqayo inay ka qayb qaataan dajinta iyo xasilinta shacabka iyo wacyigalinta maanta loo baahan yahay si xasilooni iyo nabadgaliyo loogu soo dabaalo guud ahaan dhulka Soomaalida Ogadenya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay