Wararka naga soo gaadhaya Itoobiya gaar ahaan Gobolka Oromada ayaa sheegaya in qarax culus oo gaadhi loo adeegsaday kadhcay.

Xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynhayay Jawahir Mohamed oo ah  nin caan ka ah baraha bulshadu ku kulanto una dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Oromada ah qaybweyna ku lahaa kacdoonkii iyo baraarujinta shucuubta ku hoos dulman taliska Gumaysiga Itoobiya, ayaa xafladan khudbad ka jeedinayay wakhtigii uu qaraxu dhacay.

Hadaba saan wararka ku helayno isu soo baxan  balaadhan ee soodhawaynta ah oo Mr. Jawahir Mohamed loogu qabtay magaalada Shashabane kaasi oo ay ka soo qaybgaleen shacab aad u tiro badan ayaa  waxaa ka dhacay qarax gaadhi loo soo adeegsaday, waxaana la sheegayaa inuu qaraxaas ku dhintay hal qof oo ah kii gaadhiga waday dad kalana ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan iyo falalka noocan aha ayaa loo aanaynayaa inay ka danbeeyaan kooxdii gabalkeedu dhacay ee TPLF oo kaxun kanasoo horjeeda isbadalka Itoobiya ka dhacay.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay