Wararka naga soo gaadhaya caasimada Jamhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi balaadhan oo ay hogaaaminayaan Wasiirka Arimaha Dibada Osman Saleh iyo lataliyaha madaxwaynaha Eritrea Yemane Gebreab ay saaka soo gaadheen magaalada Muqdisho.

Wafdigan Eritrea ka socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay Raysalwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar kamid ah golahiisa Wasiirada.
Booqashada wafdiga Eritrea ayaa daba socota mid uu dhamaadkii bishii Julay madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdulahi Farmaajo kutagay dalka Eritrea.

Madaxda labada dal ayaa sheegay inay hagaajin doonaan xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab oo taarikh dheer wadaaga. Colaadii Itoobiya iyo Eritarea udhaxaysay ayaa saamayn toos ah ku lahayd xidhiidhka dowladaha Geeska Africa iyo Eritarea waxaana muuqata in heshiiska Itoobiya iyo Eritarea dhex maray uu wax wayn kabadalay colaadii iyo khilaafyadii Bariga Afrika kataagnaa oo ay sabab u ahaayeen kooxdii gabalkeedu dhacay ee TPLF.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay