Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya gaadhay wafti heersare ah oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) kuwaas oo kadhoofay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Waftigan oo uu horkacayay Afhayeenka JWXO mudane Cabdiqaadir Sh Xassan Hirmooge (Cadaani) waxaana garoonka dayuuradaha ee Bole  International airport kusoo dhaweeyay wasiiru-dowlaha Warfaafinta Itoobiya.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Itoobiya oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in masuuliyiin katirsan Jabhada ONLF ay soogaadheen magaalada Addis Ababa si ay uga qayb qaataan nabadgaliyada dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kale mudane Cabdiqaadir Sh Xassan Hirmooge (Cadaani) oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa ay utageen sidii loo abaabuli lahaa dadka Soomaalida Ogaadeeniya isla markaana loo dardargalin lahaa isbadalka uu kudhawaaqay Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, sidoo kale mudane Cadaani ayaa sheegay in ay dadka Soomaalida Ogaadeeniya uga faa’iidaynayaan isbadalka geeska Africa kasocda.

Halgame Cadaani ayaa sidoo kale sheegay in la gaadhay xiligii  wada xaajood  lagu xalin lahaa khilaafka iyo dhaabaatada inta badan ka taagnaytag Ogaadeniya.

Wax kale oo u mudane Cadaani sheegay in ay tagi doonaan dhamaan Gobolada Ogaadeeniya iyagoo kuqabandoona sanadguuradii 34aad ee JWXO, wuxuuna Mudane Cadaani dadka Soomaalida Ogaadeeniya ugu baaqay in ay calanka wadanka Ogaadeeniya qaataan xafiisyadii Jabhada ONLF na dib loofuro.

Waftiga ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay shacab badan oo taageerayaal u ah JWXO.

Socdaalka waftiga ONLF iyo hadba xaalada ay kusugan yihiin kalasoco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay