Wararka naga soo Itoobiya gaar ahaan Gobalka Tigray ayaa tibaaxaya in maleeshiyadka maamulka Tigray qabteen gaadhi walxaha qarxa lago soo buuxiyay oo kusii jeeday caasimada kilalka Tigray ee Maqale.

Maleeshiyaadka ayaa sheegay inay qabteen 425 nooc oo walxaha qaraxa ah culayskooduna dhanyahay 75kg. Maamulka Tigrey ayaa sheegaya inay mudo hal bil kayar ay ugu yaraan sadex jeer hub noocan oo kale ah ka qabteen xuduudka Tigrey lawadaagto gobolka Amxaarada iyo Canfarta.

Waxayna sheegeen in ladoonayo khalkhal galinta amaanka iyo xasiloonida dadka Tigrayga ah waasay hadalka udhigeene. Kooxda TPLF oo 27-kii sanee u danbaysay Itoobiya xoog kusoo maamulayay ayaa doonaya qaabkii uu mar labaad xukunka kuqabsan lahaa, waxayna adeegsanayaan tab iyo xeelad walba oo ay Itoobiya khalkhal ku galin karaan.

Xidhiidhka maamulka cusub ee Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa meel xun maraya tan iyo intii uu Abi Axmad talada dalka la wareegay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay