Gudoomiye Kuxikeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO mudane Cali Samire Sigad ayaa waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay laanta Af-axmaariga ee ideecada VOA-da.

Mudane Cali Samire Sigad ayaa sheegay in ay magaalada Addis Ababa ujoogaan isaga iyo waftiga ONLF ee shalay halkaas soogaadhay sidii loobadbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya kudhaqan iyo waliba sidii looga qaybqaadan lahaa nabada uu kudhawaaqay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Hogaan kuxigeenka ayaa sheegay in Jabhada ONLF ay diyaar utahay wadahadalada uu kubaaqay Abiye Axmed ee uu sheegay in uu lagali doono Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO.

Mudane Cali oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in ay lakulmi doonaan madax sarsare oo dowlada Itoobiya katirsan iyo waliba waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaalida Ogaadeeniya, wuxuuna Hogaanku sheegay in qayb kaqaadan doonaan nabadaynta dhulka Soomaalida Ogaadeeniya oo kujira marxalad xaasaasi ah.

Dhinaca kale kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya oo warfidiyeenka lahadlay ayaa sheegay in ay dowladiisu soodhawaynayso waftiga ONLF ee Addis Ababa soogaadhay, wuxuuna wasiirku intaas kudaray in ay kulamo uqaban doonaan dhanka dowlada iyo dhanka dadka Soomaalida Ogaadeeniya.

Hadaba halkan ka dhagayso waraysigii VOA-Amharic Halkan Ka Dhawayso Waraysii oo Axmaari Ah

Waftiga ONLF ee Addis Ababa jooga iyo xogihii ugu dambeeyay Isha kuhay ONA.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay