Xaflad sanad guuradii 34 ee JWXO oo si wanaagsan ay u soo agaasimeen Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Addis Ababa ayaa caawa waxay ka dhacday Boss Hotel 15 Aug 2018.

Xafladdaas iyo casho sharaf waxaa ka soo qayb galay Xubno kamid ah Guddi Fullinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO. Masuuliintan ayaa waxaa kamid ahaa Eng. Xuseen Maxamad Nuur, Hogaanka Cilmi Baadhista ee JWXO, Afhayeenka JWXO Cabdiqadir Hiirmooge, Kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta Kornayl Cali Samire Sigad iyo Xubno kale oo Golaha Dhexe kamid ah.

Waxaa kale oo ka soo qaygala aqoonyahan badan iyo Xubnaha Jaaliyada JWXO ee magaalada Addis Ababa. Waxaa xaaladda daadihinayey Dr. Maxamud Ugas iyo Mudane Axmedyaassin Jamac Cabdulqadir.

Qudbado koob kooban iyo madaddaalo ayaa laga soo jeediyey. Kabacdina cake xafladda ayaa la jaray iyada oo la qaadayo heestii calanka JWXO oo so qiiro leh loo wadhfinayo callaamo badan. Dadka kasoo qayb galay waxay kor u dhaafayeen 200 oo qof.

ONA/Addis Ababa.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay