Waxaa maanta magaalada helsinki  ka dhacay shirweyn oo ay isugu timid jaaliyada soomaalida Ogadeniya Finland. shirkaas oo lagu xusayey maalinta Haweenka Ogadeniya  oo laga xusayo Jaaliyadaha Ogadeniya ee aduunkoo dhan ayaa waxaa soo abaabulay midowga dhalinyarada iyo ardayda Ogadeniya OYSU.  waxaanna kasoo qaybgalay dhamaan jaaliyada soomaaliada ogadeniya ee dalkan finland ku dhaqan laamaheeda kala duwan.

shirka aya furmay galabta abaarihii 4:00tii galabnimo oo lagu furay aayado quraan ah kadib  gudoomiyaha jaaliyada mudane maxamed digaale ayaa lagu soo dhaweyay codbaahiyaha .

hadaba shirkaas waxaa wacdaro lama iloobaan ah ka muujiyey ururka haweenka ogadeniya ee Finland.

ugu horaytiiba waxaa codbaahiyaha  lagsuoo dhoweeyey gudoomiya jaaliyada oo ka warbixiyey sababta shirka loo qabtay iyo ahmiyada haweenka Ogadeniya iyo kaalmaha ay kuleeyihiin halganka Ogadeniya.

kadib waxaa la wareegtay codbaahiyaha gudoomiyaha haweenka Ogadeniya ee dalkan finland marwo aamina jwxo oo ka warbixisay waxqabadka haweenka Ogadeniya. Sidookale waxay dadka u ifisay booskay halganka kaga jiraan haweenku iyo dhibka uu kuhayo gumeystuhu haweenka marwalbana inay iyagu ugu nugulyihiin dhibaatooyinka waxay ka sheekaysay dhibaatada loogu geysto xabsiyada haweenka Ogadeniya sida kufsiga jidhdilka iyo IWM waxaa ka mid ahaa hadaladii hooyada Halganka Ogadeniya in 24kii saacba mar ay musqusha loo ogalaan jiray mar ay u xidhnayd gumeysiga hadana sidii iyo kasii daranba loo galo dumarka Ogadeniya.

sidoo kale waxaa meesha ka hadlay dad badan sida xogahaynta haweenka marwo shamis oo hadalo qiiro leh iyo gabay shirka kasoo jeedisay.

waxaa kaloo ka hadlay xoghayaha guud ee HAAB mudane xasan kamaal oo ka sheekeeyey taariikhda haweenka Ogadenia iyo siday marwalba halganka lafdhabar ugu ahaayeen. waxaa kaloo meesha lagu daawaday filim ka hadlaya dhibka laguhayo hawenka oo dadka shucuurtoodii bedelay

meeshan laguma soo koobi karo wacdaradii ka dhacday galabta helsinki , abaarihii 8:00 fiidnimo ayuu soo gabagaboobey shirku kuna soo gabagaboobey sidii loogu talogay.

ONA

HELSINKI FINLAND

CABDIRAXMAAN  JARARI

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay