Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho ku tagayaan kililka Amxaarada.

Madaxa Warfaafinta kilalka Amxaarada ayaa sheegay in booqashada Madaxwayne Isyaas Afworki ay tahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka Eritrea iyo shacabka Amxarada ka dhexeeya. Booqashadan madaxwayanaha Eritrea ayaa daba socota mid ay wafdi kilalka Amxarada kasocda kutageen casmara.

Wafdiga Amxarada ayaa intuu casmara joogay waxa uu heshiis lasoo galay urur mucaarad ah oo ladhaho
Amhara Democratic Forces Movement (ADFM) waxayna ku heshiiyeen in ururka ADFM kusoo laabto Itoobiya gaar ahaan gobalka Amxaarada oo uu kasoo jeedo.

Dhankakale waxaa Eritrea booqan doona Afhayeenka Baarlamaanka gobolka Amxaara oo sida lasheegay sii xoojin doona xidhiidhka labada shacab ee Eritrea iyo Amxaarada. Waa talaabo aan Itoobiya looga baran in Madaxwayne wadan shisheeye gobol Itoobiya katirsan booqdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay