Waxaa xabsiga magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey lagasiidaayay 45 kamid ah ciidamada nabad-sugida Itoobiya, kuwaas oo maalmo kahor lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Maqale.

Ciidankan oo maalinnimadii shalay lagasiidaayay xabsiga magaalada Maqale kadib markii lagaran waayay sababta ay usocdeen iyo meesha ay kayimaadeen.

Ciidamada amaanka ee Gobolka Tigrey ayaa lasheegay in ay gacanta kudhigeen dhamaan ciidankii diyaarada saaraa kuwaas oo katirsanaa ciidamada nabad-sugida Itoobiya qaybta lagu sheego argagixiso ladagaalanka.

Afhayeen uhadlay maamulka Tigrey oo lagu magacaabo Radhi Halafom ayaa sheegay in ay xabsiga kasiidaayeen 45 Askari oo katirsan ciidanka nabad-sugida ee heer fadaraal kuwaas oo sababta ay Gobolka Tigrey uyimaanaan aan la ogayn waa sida uu hadalka udhigay e, wuxuuna afhayeenku sheegay in ay kadhoofiyeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Maqale.

Afhayeenka ayaa intaas kudaray in Gobolka Tigrey uu yahay mid amaan ah isla markaan wax argagixiso ah aysan joogin, wuxuuna afhayeenku su’aal kakeenay sababta ciidamo aysan ogayn maamulkoodu loogu soodiray Gobolka.

Dowlada Fadaraalka ayaan iyadu kahadlin arimaha laxidhiidha ciidanka lagu qabtay Maqale iyo sabab ay usocdeen, waxaana larumaysan yahay in ay dowladu qorshaynaysay afgambi lamid ah kii maamulkii Ogaadeeniya lagusameeyay.

Iskusoo wada duub oo waxaa dibada markale usoo baxay khilaafka dowlada dhexe iyo maamulka Gobolka Tigrey oo wadashaqayn fiican aan waligii umuujinin maamulka cusub ee Abiye Axmed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay