Maanta ooy taariikhdu ahayd 31/03/2012 Ayaa dufcadii koowaad ee jaaliyadda Holand wuxuu sibinaar uga furmay Magaalada brunssum oo ka tirsan gobolka maastricht, kaasoo ka mid ahaa qorshayaal u dagsanaa jaaliyadda holand sannadka 2012.

Gudiga jaaliyadda holand oo sibinaarka diyaariyey una qaybiyey jaaliyadda kooxo kala danbeeya ayaa ugu talo galay inay sibinaarkan ku qaataan xubnaha jaaliyaddu waxyaabo ay ka mid yihiin hoggaaminta, Maamulka, Maaraynta, Xallinta khilaafaadka, Hab dhaqanka wanaagsan ee shacbiga iyo xubnaha, isqancinta iyo waliba Macnaha balaadhan ee ururnimada ayaa ahaa mid xiisa galiyey dhamaanba xubnihii ka soo qayb galay.

Guddiga jaaliyadda Holand ayay farabadanyihiin qorshayaasha sannadkan 2012 ay ugu talagaleen inay jaaliyadda iyo Ururka OYSU Netherland qabtaan. iyadoo qaar ka mid ahi ay dhaqaaqeen ayaa la filayaa inay ka soo baxaan Waxyaabo ku dayasho mudan oo dadka iyo halgankaba wax tara, siminaarkan oo gaadhi doona dhamaan xubnaha si kooxo kooxo ah ayaa xubnihii siminaarkan qaatay ay ahaayeen kuwo ku qiimeeyey inuu ahaa sibinaarku mid loo maqsuuday ayna jecelyihiin in loo kordhiyo.
afagaal holand
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay