San Diego, California: Waxaa maanta oo taariikhdu ahayd March 31, 2012 magaalada San Diego ee gobolka California seminar loogu qabtay hawl-wadeenada Jaaliyadda Soomaalida Ogadenia. Seminarkan ayuu ka soo jeediyay duruus qaabaysan Madaxa Hoggaanka Abaabulka & Arrimaha Bulshada ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia Mudane Mohamed Abdi Yassin Diirrane oo isagu baryahan socdaal hawleed ku joogay Waqooyiga America. Seminarkan oo ahaa mid taxane ah isla markaana loogu talagalay inuu socdo muddo laba bari ah ayaa wuxuu soo afjarmi doonaa haddi alle idmo barri oo taariikhdu tahay 1 April.

Seminarkan ayaa waxa uu furmay saaka 9kii aroornimo halkaas oo hawl-wadeenada jaaliyadda ay goob-joog ku ahaayeen. Hawl-wadeenadaas ayaa waxaa ka mid ahaa xidhiidhiyaha jaaliyaadka Ogadenia ee West Coast Mudane Ahmed Ali Yusuf iyo Mudane Ali Mohamed.

Ujeedada seminarkan oo taabanayey meelo farabadan ayaa nuxurkiisu ahaa “Maamul wanaaga -Good Management” iyo tayeynta shaqo ee hawl-wadeenada.

Hadaladii mudane Diirrane ayaa waxaa kamid ahaa “Maamulka toolmoon ama wanaagsan wuxuu saldhig u yahay isla markaana soo dadajinayaa guusha gobanimodoon ee ay hiigsanayaan shacbiga Soomaalida Ogadenia” mudane Diirrane isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi “dadka hawsha maamulaya si ey uga midha dhaliyaan himiladooda waa iney adeegsadaan mabaadiida asaasiga u ah maamulka toolmoon”.

Hadaba hawl-wadeenadii shirkan oo si aad ah ula dhacay cashiradii loo soo bandhigay ayaa fursadan qaaliga ah kaga faa’iideystay sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen tabaha cusub iyo siyaasadaha isbadalaya ee maanta.

Seminarkan aaya wuxuu ku soo dhamaaday guul iyo jawi wanaagsan, barri ayaana haddi alle idmo qaybtiisii labaad lasoo gabagabayn doonaa.

Halkan kala soco wixii kasoo kordha

______________________________________________________________________________

Faah-faahin dheerad ah fadlan la xidhiidh

-Ogaden American Community of San Diego

OACSanDiego@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay