Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afewark ayaa lasheegay in uu booqosho kutagayo Gobolka Axmaarada, taas oo noqon doonta booqashadii labaad ee mudo yar uu kutago wadanka ay colaada guunka ah kala dhexayn jirtay ee Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno madaxwayne Isayas Afewark ayaa lagu soodhawayn doonaa magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada halkaas oo sida lasheegay uu khdbad taariikhi ah kajeedin doono, Afewark ayaa lasheegayaa in uu baabi’in rabo colaadii udhaxaysay labada wadan, kadib markii Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya uu fuliyay go’aankii Eritrea loogu celin lahaa dhul xoog lagaga haystay.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Axmaarada kusii qurqulaya madaxdii iyo ciidankii Jabhada Ginbot 7 Arbanyoj, kuwaas oo heshiis lagalay maamulka cusub ee Itoobiya, heshiiskaas oo uu gadhwadeen ka ahaa Madaxwaynaha Eritrea isayas Afewark.

Ciidanka Jabhada Ginbot 7 ayaa lasheegayaa in Gobolka looga sameeyay shan xarumood oo ay qalabkooda iyo ciidamadoodaba dajin doonaan kuna sugnaan doonaan ilaa iyo wakhti kale oo sikale looxaliyo.

Sidoo kale waxaa guud ahaan Gobolada uu kakooban yahay dhulka Axmaaradu socdaalo joogta ah kumaraya madaxdii Jabhada Ginbot 7 oo mudo sanado ah mabnuuc ka ahaa gudaha magaalooyinka waawayn ee Gobolka.

Gobolka Axmaarada ayaa u eg mid kasoo kabanaya dagaalo xidhiidh ah iyo waliba kacdoono shacab oo sanadihii lasoo dhaafay uu Gobolku kujiray, waxayna dadwaynaha Axmaaradu umuuqdaan kuwo ismaqli doona hadii laga dhex baxo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay