Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in amaanxumo badan laga dareemayo magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda, halkaas oo sida lasheegay kujirta xaalad aan daganayn.

Booliiska magaalada Addis Bababa ayaa shaaca kaqaaday in ay gacanta kudhigeen in kabadan 1000 bastooladood oo lagu waday gaadhi booyad ah, waxaana lasheegay in ay bastooladuhu siigalayeen magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale booliiska ayaa sheegay in ay gacata kudhigeen gaadhi Izuzu ah oo lagu wado 4030 xabadood oo rasaasta bastooladaha iyo AK 47 ka ah, waxayna booliisku sheegeen in ay kuraad joogaan dadkii kadambeeyay hubka wadanka lasoo galiyay.

Booliiska ayaa intaas kudaray in ay hayaan 3 nin oo lagu sheegay shakhsiyaadkii kadambeeyay hubka magaalooyinka lasoo galiyo, kuwaas oo sida ay booliisku sheegeen maxkamad lasoo taagi doono.

Booliiska magaalada Addis Ababa oo hadalkooda siiwatay ayaa sheegay in ay qabteen lacag badan oo Dooller ah oo suuqa madow lagaliyay, iyagoo xusay in ay lacago kale oo badan kuraad taagan yihiin.

Daganaansho la’aan badan oo dhinaca amaanka iyo waliba siyaasada ah ayaa laga soosheegayaa magaalada Addis Ababa, waxaana lasheegayaa in ay jiraan dad lagu khaarajiyo gudaha magaalada Addis Ababa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay