Dadka gunagado  oo ay la soo  daristay murugo hor leh

Dhibaatooyinka  ka dhaca ogaadeenya waxay qayb ka noqdeen nolosha guud ee dadka ogaadeenya kaas oo maalin walba ku waabariista dhacdo murugo xanbaarsan ,waxayna dadkani ilaa hada aduunyada qayb uga heleen in uu gumaado cadaw aan u naxayn islamarkaana aan duunyadu ka hadal dhibaatada soo gaadha,

14/2/12 ayay ahayd maalintii uu xasuuqa  baahsan ka dhacay meel lagu aasayay dad uu cadawgu laayay  magaalada guunagado, halkaas oo ay hal mar ku naf waayeen dad badan ,sidii aad la socoteen xasuuqaas waxa uu ku baahay deegaanada ku hareeraysan  gunagado , sida  Ashir,Geesadeero,Wargaadsan,Boodhlay,Ballisareedo iyo meelo kale ,waxaana ku dhintay dad kor u dhaafay 46 ruux oo ay ka mid ahaayee qoys ku hoobtay xasuuqaas,   sidoo kale waxaa lagu dhacay hanti  u badan xoolo nool oo gaadhaya boqolaal,iyadoo dadkii deegaanadaa ku sugnaana ay u barakaceen meelo kale oo ay miic bidayeen

Hadaba 27March 2012  ayay mar kale dadka yar ee ku hadhasaana  deegaankaa waxay la kulmeen arin murugo iyo ciil hor leh ku abuurtay islamrkaana dib u soo xasuusisay   dhibaatadii  ay soo mareen iyo xasuuqii

Magaalada gunagado meesha ay ka dagan yihiin ciidanka cadawgu ayaa lagu arkay laba nin oo inta kurka xadhko looga xidhay sidaa ku dhintay maydadkan oo sida la qiyaasayo yaalay mudo kuwaad 3 cisho ah ayay awoodi waayeen dadkii deegaanku inay qaadaan si loo aaso, waxaana ka muuqday calaamado muujinaya in la dabay ,sidaana ay ku dhinteen

Lama garanayo xilliga dhabta ah  ee dadkan la laayay  sidoo kale lama oga in dadkan ay yihiin inta la  arkay maydkooda iyo inay jiraan dad kale oo ku qarsoon  goobo kale

Ciidamada cadawga  ayaa  dadka ay sida xun u laayaan  qaar badan oo ka mid ah waxay cunsiiyaan AYDA  taasina waxay dadka ku abuurtay uurkutaalo iyo murugo aan waligeed la ilaawin Karin

Dadka ogaadeenya waxay ka dharagsan yihiin  sababaha rasmiga ah ee ay u gaadhayso dhibaatadan ,taasina waxy ku dhiiri galisay inay si buuxda isugarabtaagaan halganka xoriyada iyo aayaha loogu raadino dadka ogaadeenya si loosoo afjaro dhibaatada  iyo haydaartada  haysta.

ONA

 
 

1 Comment

  1. yaasir says:

    walaal ayaa away ciidamadii onlf maa xasuuqa laga difaaco shacabka

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay