Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addiss Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in lagu qabtay magaalada booyad kuwa shidaalka qaada ah oo laga soo buuxiyay hub.

Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay hubkan waxaana lagu wadaa baadhitaan ku saabsan hubkan meesha laga keenay iyo meesha lagu waday. Ma’aha markii koobaad ee hub noocan oo kale ah la qabtay waxaana marar badan lagu dhigay gacanta hub noocan oo sharci daro ahaa.

Xaalada Itoobiya ayaad moodaa mid kasii daraysa ayadoo xaalku u hanaan ekaaday in la isu hub aruursanayo. Khilaafka u dhaxeeya waxa loogu yeedho kooxda EPRDF ayaa aad usoo badanaya waxaana ayagoo laga cabsi qabo inuu Itoobiya ka dhaco dagaal qabiil ku salaysan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay