Wararka naga soo gaadhaya Itoobiya gaar ahaan gobalka Tigray ayaa sheegaya in wafdi balaadhan oo ka socda Gobolka Tigrayga ay ka gudbeen xuduuda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea.

Waxayna wafdiga tigraygu booqdeen magaalada Adikuala oo dhacda dhanka dalka Eritrea waxana halkaas si diiran ugu soo dhawayeey dadka reer Eritrea gaar ahaan ciidamada Eritrea ee aagaas ku sugnaa. Sidoo kale waxaa dhawaan Gobolka Tigrayga soo gaadhi doona wafti Eritrea kasocda.

Dhanka kale waxaa soo hagaagaya xidhiidhka u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya kadib markay xukuumada Itoobiya ku dhawaaqday inay dhaqan galinayso heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea ku dhexmaray wadanka Aljeria ayna wareejin doonan dhulkay Eritarea ka qabsadeen.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay