Sida aad wada ogsoontihiin waxaa mudaba ku sugnaa Bariga Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya madax aad u fara badan oo ka mid ah Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO).

Hadaba su’aasha isweydiinta leh waxay tahay maxay halkaa ka qabanayeen? Madaxda JWXO waxay ahaayeen kuwo ku mashquulsan shaqo loo baahnaa in la qabto hal sano in ay ku soo qabtaan in ka yar afar tobaad. Waxay shirar isdaba jooga ah la lahaayeen bulshada caalamka ( international community), maamul goboleedka IGAD, midowga Afrika , safaaradaha reer galbeedka iyo wadanka kenya oo ahaa dhexdhexaadiyihii marti geliyay wadahadalkii JWXO iyo Itoobiya.

Waxaa la magaacabay gudiyo la kulmay dhamaan umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay Itoobiya gumaysato arintaa oo soo hoysay guulo la taaban karo. Waxaa wafti ka socda shacabka oo ay hogaaminayeen Dr. Maxamuud Ugaas iyo Axmedyasiin Jaamac loo diray magaalada Addis Ababa waxay halkaa kula kulmeen dawlada Itoobiya, shacbiga Soomaaliyeed iyo dhamaan taageerayaasha JWXO ee halkaa ku sugnaa waxay qabteen shirkii ugu horeeye ee JWXO mudo 24 sanadood ah in lagu qabto magaalada Addis Ababa, waxay soo hooyeen guulo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen in lagu qabto sanadguuradii 34aad ee JWXO, waxaa kale oo halkaa ku qab jabay dilaaliintii cusbaa ee doonayey in ay dhiiga shacabka ka ganacsadaan.

Waxaa kale oo waftigii Addis Ababa joogay ku biiray Afhayeenka JWXO mudane Cadaani Hirmooge, Gudoomiyaha Hogaan Cilmi Baathist JWXO, Mudane Xuseen Maxamad Nuur iyo sadex xubnood oo ka tirsan Golaha dhexe ee JWXO. Waxay ku hawlanaayeen wada tashiyo ay la samaynayeen bulshada caalamka, machadyada daraasadaha ka sameeyey wadamadii ugu dambeeyey ee xoriyada helay. Waxay kaloo wada tashi dhab ah isugu yeedheen madax golaha dhexe kaasoo qaatay mudo aad u dheer in ay meel wax isla dhigaan arimihii ay kawada tashanayeen iyagoo fiirinaya isbedelka siyaasadeed ee ka dhashay Itoobiya ee xawliga ku socda .

Kadib markii ay arkeen in laga qaaday ururada gobonimodoonka ah ee la dagaalama dawlada Itoobiya sharcigii ay iyagu samsteen ee ahaa argagxisnimada kuna baaqeen sinaan iyo cadaalad ku dhisan hab dimoqraadi ah iyo xoriyatul qawlka oo la ilaalinayo ayey JWXO go’aansatay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah taas oo ay kaga jawaabayso baaqii dawlada Itoobiya ku baaqday nabad kuwada noolaansho iyadoon laga tanaasulaynin aayo katashi iyo in afti laga qaado shacbiga mudada dheer ku soo jiray gumaysiga.

Waxay kaloo wafti heer sare ah oo katirsan ururka OYSU oo uu hogaaminaayo gudoomiye Shaafi Sheekh Cabdi si toos ah uga dageen caasimada dhulka Ogaadeeniya ee Jigjiga halkaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyey taasina ay tusaale cad u tahay u heelanaanta iyo baahida ay shacbigeedu u qabaan imaanshaha JWXO.

Anigoo weli ku sii dhex jira hawshii adkayd ee madax golaha dhexe ka fulinaysay magaalada Nairobi iyagoo meelo fogfog uga yimid danaha umada gumasiga ku jirta soona baylihiyeen danahoodii iyo qoysaskoodii taasoo aan wax dhaqaale ah lagu siinaynin. Hadaba madaxda JWXO waxay mudan yihiin in loogu mahadceliyo hawsha adag ee qodaxaha badan ee ay ku hawlan yihiin maalin iyo habeenba.

ONA

C/raxmaan Sheekh

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay