Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo shir muhiim ah isugu timid. Waxaa kulan muhiim ah isugu yimid jaaliyada magaalada waxaana shir gudoominayey Xoghayaha Jaaliyada Mudane Maxamed Aadan Dubad, wuxuuna ka warbixiyey wax qabadkii jaaliyada oo uu runtii soo bandhigay hawlo muhiim ah oo u qabsoomay.

Waxaa shirka ka soo qayb galay Dr. Maxamuud Ugaas oo socdaal shaqo ka soo noqday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya iyo wariye C/raxmaan Sheekh oo kasoo noqday Bariga Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Waxaa lagu soo dhaweeyey madashii shirka Dr. Maxamuud Ugaas oo ka warbixiyey socdaalkiisii uu ku tagay magaalada Addis Ababa iyo hawlihii u soo qabsoomay wuxuuna runtii xubnihii jaaliyada ee shirka isugu yimid siiyey warbixin aad u dheer oo ka hadlaysay wuxuu uga soo qabsoomay hawshii uu halkaa u tagay wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato in maanta calaamadihii halganku ka dhex muuqdaa caasimadii gumaysiga.

Waxaa shirka lagu soo dhaweeye wariye C/raxmaan sheekh oo ka warbixiyey xaalada Bariga Afrika gaar magaalada Nairobi oo ay ku sugan yihin madaxdii jabahada,waxaana halkaa ka socota shaqo aad u badan oo ay ku hawlan yihiin xaqiiqadiina wuxuu wariye C/raxmaan sheegay in ay madaxda jabhadu wixii ay halsano qaban lahayd in ay ku qabatay 3 todobaad taasin ay ka dhigantahay in ay hadh iyo habeenba u taagan yihiin in ay umadooda dulman u shaqeeyaana kana dulqaadaan gumaysiga daashaday.

Si kastaba ha ahaatee shirkan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa lagu shaqo qayb saday waxaana halkaa lagu diyaariyey wufuud u kala bixi doonta degmooyinka gobolka Alberta oo shaqo loo dirayo soo qaban doona todobaadkan dabayaaqadiisa, shirkan oo waqti dheer qaatay wuxuu ku soo dhamaatay guul iyo is afgarad.

ONA

C/raxmaan sheekh

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay