Jaaliyada Ogaadeniya ee gobolka Texsas magalada Nagodhuches ee cariga Maraykanka ayaa waxay isugu yimaadeen xaflad balaadhan oo ay ku xusayaan sanad guuradii 34 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) xafladan ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah, waxaana lagu daah furay intaas kadib heesta calanka Ogaadeniya.

Shirka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Magaalada Nagodhuches Mudane Halgame Saxane gudomiyaha ayaa bulshidii xaflada ka soo qeyb gashay aad ugu booriyey garab istagaa halganka ogadeniya iyo waliba in la laban laabo daadalka loogu jiro in la xoreeyo dhulka soomaalida Ogaadeniya.

gudomiyaha jaaliyada ayaa aad ugu nuux nuuxsadey xaalada kala guurka gumeysiga itobiya iyo burburka kusoo food leh asagoo sheegay in loo bahaan yahay maanta  in loo midoobo nidaamkan cusub ee gumaysiga Itoobiya.

Xaflada ayaa waxaa laga soo jeediyay warbixin guud ee ku saab san halganka Ogaadeniya iyo xaalada maanta uu ku sugan yahay shacabka soomaalida Ogaadeniya. Xaflada ayaa gaba gabadii waxay kusoo dhamaatay si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo halganka Ogadeniya kaalinta kaga aadan jaaliyada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay