Warbixin dheer oo ay soo saartay hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda ee loo yaqaano Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay in Itoobiya ay samayso baadhitaan madax bannaan oo qoto dheer leh oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay dhulka Soomaalida Ogadenya/Soomaali-Galbeed.

Hay’addu waxay codsatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado. Waxay magacooda si gaar ah u xustay horjoogihii Maamulka Jigjiga Cabdi Ileey iyo Taliyaha Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Labo Go’le hay’ada ayaa dalbatay in si khaas ah loo baadho doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay iyo dhamaan intii gacan ku lahayd oo idil sida saraakiisha TPLF.

Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda HRW ayaa sheegtay in Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa ee Ogadenya ka dhacay sanadihii badnaa ee lasoo dhaafay.  Ra’iisulwasaaraha cusubna waxay ugu baaqday in isbadallada uu wado uu ku daro in caddaaladu ay qabato kuwo awoodda badan ee gaystay dambiyada waawayn ee aadanaha ka dhanka ah.

Ma aha markii 1aad ee hay’addaha xuquuqda aadanuhu ay soo jeediyaan in Ogadenya ay ka dhaceen tacadiyo, dhawaan ayay ahayd markii hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ku baaqday in ciidammada Liyuu booliiska la kala diro taariikhda madaw ee xuquuqda aadanaha awgeed.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay