Bahda Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa waxay hawada u marinaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida Ogadenya tahniyada Ciidul Adxa oo maanta dunida Muslimka oo idil looga dabaaldagayo.

ONA waxay u rajaynaysaa dhamaan Muslimiinta aduunka inay ciidan ciideeda caafimaad qab iyo nabadgaliyo waarta ay ku gaadhaan. Waxaa si gaar ah tahniyada ciida loogu dirayaa shacabka Soomaalida Ogadenya oo marxalad adag oo kala guur ah ku jira.

Alle waxaan uga baryaynaa in khayr iyo wanaaga uu nawaafajiyo, in shacabka Soomaalida Ogadenya ee gumaysiga mudada dheer ku jiray uu garansiiyo midnimada iyo tawfiiqda xilligan xasaasiga ah ee lagu jiro oo u baahan in lagaga gudbo iskaashi iyo midnimo shuruud la’aan ah oo shacabka Soomaalida Ogadenya uu ku talaabsado.

Marka Ciid Mubaarak, Ciidul Caafiya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay