Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kasocda shirkii Gudiga Fulinta ee Ururka EPRDF, waxaana shirka kasoo qayb galay dhamaanba 36da xubnood ee uu kakooban yahay ururka EPRDF.

Kulanka ay kooxdu isugu timid ayaa kaduwanaa shirarkii hore ee EPRDF ay gali jirtay, waxaana shirka laga dareemayay khudbado xanaf lahaa oo ay jeedinayeen xubnaha ugu sareeya dalka sida Raysal-wasaaraha iyo kuxigeenkiisa.

Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed oo furitaankii shirka kahadlay ayaa sheegay in aan loodul qaadan doonin cid kasta oo isku dayda in ay wadanka Khalkhal galiyaan waasida uu hadalka udhigay e, wuxuuna Abiye cadeeyay in aan loodulqaadan doonin cidii amaanka wax yeelaysa.

Abiye Axmed ayaa lasheegayaa in uu dhowr jeer si dadban usoo hadalqaaday kooxda TPLF, wuxuuna sheegay in ay mudo isha kafiirinayeen dhibaatooyinka jira, wuxuuna Abiye sheegay in kooxdii isku dayda amaan xumo ay kashalaayi doonto.

Sidoo kale Damake Mokonen oo ah Raysal-wasaare xigeenka Itoobiya ayaa isna raacay hadalkii Raysal-wasaaraha, wuxuuna sheegay isbadalka wadanka kadhacay in aysan ururo keenin balse ay shacabku keeneen rabitaanka shacabkuna uu muhiim yahay.

Mokonen oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in cidii isku dayda rabitaanka shacabka in ay baabi’iso lala xisaabtami doona, wuxuuna sheegay in laxisaabtami doono qofkastana xaqiisa lasiiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay