Sida laga baahiyay ESAT TV, madaxii hore ee Laanta Sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa ayay maxkamada Itoobiya amar ku bixisay in lasoo xidho.

War deg deg ah oo ESAT TV laga siidaayay ayaa sheegaya in Getachew Assefa oo wakhtigan xaadirka ah dalka Sudan u baxsaday isaga oo magangaliyo waydiistay. Waxaa kale oo la tuhun sanyahay in Maamulka Gobolka Tigrey ay gacan ka gaysteen baxsashada Getachew. Maxakada ayaa amartay in lasoo qabto si jeelka loogu taxaabo kadib markii lagu soo eedeeyay falal dambiyeed aad u tiro badan oo uu dalka ka gaystay intii uu ahaa madaxa Sirdoonka ee kooxdii Woyaanaha, TPLF.

Wadanka Ogadenya ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee tacadiyada iyo xasuuqa baahsan uu ka dhacay intii ay kooxda TPLF talada dalka haysay. Saraakiisha Woyaanaha oo adeegsanaya gacanyarahooda ayaa dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ka fuliyay Ogadenya.

Halkan Ka Daawo warbixintii ESAT TV ee ku saabsanayd amarka maxkamada ee lagu doonayo in jeelka loo taxaabo dambiile Getachew Assefa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay