Waxaa walaac xoogan laga muujinayaa canshuur kordhinta ay ku dhawaaqday kenya taasi oo bisha soo aadan lacago dheeri ah ay uga qaadi doonto shidaalka gala dalkaasi.

dhanka kale dowlada ayaa maanta ka hortagtay dibad baxyo ay qaban qaabiyeen gudiga ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda kaasi oo looga cabanayay canshuurta ay dowlada saartay shidaalka.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa ku hanjabay in ay talaabo waafaqsan sharciga in ay ka qaadi doonaan cidii isku dayda in ay carqaladeyso isku socodka gaadiidka daweynaha.

Ganacsatada waaweyn ee kenya ayaa maalmo ka hor uga digay wasaarada maaliyada canshuur kordhinta ay sameysay in ay saameyn doonto nolosha bulshada.

Wasaarada maaliyada ayaa horay u soo saartay amar ahaa in 16 boqolkiiba lagu darayo canshuurta laga qaado shidaalka,waxaana taasi ay saameyn durbadiiba ku keentay qiimaha iibka suuqyada.

Inkastoo maanta ay u madlanaayeen gaadiidleyda in ay shaqo joojin sameyaan ayaa hadane waxaa arintaasi aysan u suura galin kadib cadaadis kaga yimid dowlada.

War saxaafadeedkan oo ay soo saareen gudiga gaadiidleyda gaarka loo leeyahay oo loo soo gaabiyo (Kepsa) ayaa waxay tibaaxeen in canshuurta la saaray shidaalka ay saameyn ku yeelan doonto Nolosha muwaadiniinta kenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay