Waxaa xaflad balaadhan maanta isugu yimaaday jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee waqooyi bari Kenya faraca Barsan ee magaalada Gaarisa, xafladan ayaa waxaa lagu xusaayay sanad guuradio 34 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO).

Xaflada ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Mohamed Nuur wuxuuna kasoo jeediyay qudbad aad usoo jeedatay dad waynihii kasoo qayb galay xaflada.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya waxaa kale kasoo qayb galay Halgame Naftiihure Abdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo wadhaan laga soo daayay xabsi ku yaala magaalada Adiss Ababa ee gumaysiga Itoobiya.

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeediyay Naftiihure Abdikariim iyo xubno kale oo kasoo qayb galay waxaana ugu danbayntii kusoo dhamaatay si guul ah.

ONA/Gaarisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay