Wararka naga soo gaadhaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in Zeb Asnake oo ahayd madaxa shirkada korontada ee Itoobiya ,(Ethiopian Electric Power) ee loosoo gaabiyo  (EEP) xilkii laga xayuubiyay waxaana lagu badelay nin layidhaahdo Abrham Belay.

Zeb oo muda sanada ah xilkan soo haysay ayaan wax sabab ah oo xilka looga qaaday loo sheegin. Tan iyo intuu raysal wasaaraha usub ee Itoobiya xilka qabtay waxaa Itoobiya kasocda isbadal meelo badan taabanaya waxaa uu doonaya in uu dhamaan hadhaagii TPLF meesha kasaaro.

Waxaa inta badan xilka laga xayuubiyay saraakiishii ciidanka, sirdoonkii ,iyo shirkadihii muhiimka ahaa ee TPLF 27-kii sanee udanbaysay ku amar kutaaglayn jirtay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay