Degmada Dharkaynley ee Gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay laba wiil oo walaalo ah sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Dilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xaafada Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye, wiilasha walaalaha ah ayaa lagu magacaabi jiray Saaney Faarax iyo Xuseen Faarax, xiliga dilka loo gaystayna waxay ku wajahnaayeen gurigooda, kooxihii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday.

Labada wiil ee la dilay ayaa la sheegay in midkood uu askari ahaa, waqtina uu ku jiray fasaxa ciida, qoyskiisana uu waqti la qaadanayay, ciidama booliska ayaa gaadhay halka uu falkaan ka dhacay, waxaana ay goobta ka qaadeen maydadka labada wiil iyagoo gaadhsiiyay xarunta dambi baadhista ee Gobolka Banaadir.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay