Warar lagu kalsoon yahay oo Wakaalada Wararka Ogaadeeniya ee ONA ay heshay ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa biyo la,aantii ugu xumayd kataagantahay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada, waxaana wadooyinka waawayn lagu dhax arkayay dadwayne caagado iyo jeerigaano tunka kuwada oo biyo raadis ah.

Jeerigaanka 20 litir qaadka ah ayaa lagu kala iibsanayaa 15 Birr oo lacagta Itoobiya ah qaar kamid ah dadka kunool xaafadaha biyo la,aanta ahaa ayaa sheegay in ay sadex kiiloo mitir iyo ka badan biyo iib ah udoontaan. Mudo laba isbuuc ka badanba waxaa magaalada kataagan biyo,laantii ugu xumayd. Maamulka magaalada ayaan waxba kaqaban karin biyo laanta dhacday.

Addis Abab oo la aas-aasay 1886-dii ayaa waxay wajahaysa biyo la’aan iyo nadaafad xumo baahsan. Hay,ada Cafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in 90% dadka Itoobiya kunool ayna biyo nadiif ah helin, waxaana biyo nadiif ah hela boqolkiiba  10% oo ah tiro aad uyar.

Itoobiya waa wadan musuq iyo faqri ladegay oon habayaraatee wax isla xisaabtan ah kajirin. Waxaana meesha kamaqan ama aad u liita adeegyadii aas-aasiga ahaa ee nolosha bini,aadamka  ku tiirsanayd sida amaanka, biyaha , Caafimaadka iyo waxbarashada.

Shacabka Soomalida Ogaadeeniya oo kamid ah shucuubta Itoobiya xooga ku haysato ayaan isagu xisaabtaba kujirin oon habayaaraatee wax horumar ah haysanin taas badalkeedna dil dhac iyo kufsi joogta ah lagu hayo.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay