Waxaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Edmonton ee wadanka Canada ka duulay mudane Axmedyaasiin Jaamac oo kamid ah Aqoonyahan ka Soomaalida Ogaadeeniya ee dalka Canada ku dhaqan.

Mudane Axmedyaasiin ayaa safar deg deg ah ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya halkaas oo todobaadkii tagay uun uu ka soo laabtay.

Mudane Axmedyaasiin Jaamac ayaa kamid ahaa Aqoonyahano u dhashay wadanka Ogaadeeniya oo howlo shaqo u joogay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay ku wehelinayeen wafti heer sare ah oo ka socday Jabhadaha Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) oo uu hogaaminayay halgame Xuseen Nuur, Gudoomiyaha Cilmi-Baadhista JWXO.

Waftiga ONLF ee Addis Ababa ku sugan ayaa shirar joogta ah la lahaa Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee ku sugan magaalada Addis Ababa iyo waliba Gobolada wadanka Ogaadeeniya.

Mudane Axmedyaasiin Jaamac ayaa lagu wadaa in uu gaadho magaalada Addis Ababa isagoo qaban doona howlihii halganka ee halkaas ka socday, waxaana mudane Axmedyaasiin garoonka Edmonton kusii sagootiyay Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Canada.

Waa markii ugu horeeysay ee mudo 27 sano ah ay JWXO iyo taageerayaasheedu shir ku qabsadaan magaalada Addis Ababa taas oo ku timid isbadalka Itoobiya ka dhacay.

Labo todobaad kahor unbay ahayd markii magaalada Addis Ababa ay kadageen wafti Aqoonyahano Soomaalida Ogadenia ah oo uu hogaaminayay Dr Maxamuud Ugaas, taas oo lama filaan ku ahayd shacabka Soomaalida Ogaadeeniya, waxaana xigay waftigii JWXO ee uu horkacayay Mudane Xuseen Nuur oo iyaguna kusugan Addis Ababa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay