Taariikhdu markii ahayd 05/08/2007 Waxay ahayd maalin mugdi u ah dhamaan dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Xudur-ayle oo ka tirsan Gobolka Qoraxay waxayna ahayd maalintii ciidanka militariga Itoobiya iyo kuwa u’adeega ay xareeyeen kumanaan shacab ah oo kudhaqan Tuulada Xudur-ayle.

Waxay ahayd maalintii sida xooga ah lagu soo uruuriyay boqolaal Dumar, Ciyaal iyo waliba dad waawayn ah kuwaas oo maalin iyo habeen lagu hayay meel banaan ah oo dabaysha, dhaxanta iyo qoraxduba ay dadka kala qaybsadeen.

Waxay ahayd maalintii dad badan oo Odayaal ah ay taagnida kadhaceen waxaana xasuustaa Nabadoon Cabdi Cali Dhimbil iyo odayaal kale oo baahi iyo oon la diiday. Waxay ahayd maalintii la Afduubay 8 qof oo Aabahay Allaha Unaxariistee uu kujiray kuwaas oo si qasab ah lagu qafaashay iyagoo aanay jirin wax dambi ah oo ay kagaleen Itoobiya iyo kuwa u’adeega toona. Waxay kala ahaayeen dadka la Afduubay:-

1-Ibraahim Tuuladiid Xassan
2-Faadumo Caydiid Xuseen
3-Barre Carab Cismaan
4-Deeq Cabdulaahi Xassan (indhataag)
5-Muxumed Hudle Macalim Cabdulaahi Iyo dad kale oo xasuustayda kamaqan.

Waa maalintii ciidanka Itoobiya iyo kuwii u’adeegi jiray ay marjiyeen Isla markaana uus xabaaleen Allaha Unaxariistee Aabahay Ibraahim Tuuladiid iyagoo silig kudabay duleedka Tuulada Maraacaato ee isla Gobolka Qoraxay. Waa maalintii ay ciidanka Itoobiya dabka qabadsiiyeen dhamaan wixii agab ahaa ee gurigaanagii yaalay iyagoo qaar kalana dhacay sida 2 harqaan iyo qalab kale.

Waa maalintii ay gabdhahaanagii gudaha Ogadenia qoxooti ku noqdeen iyagoo uqaxay Gobol kale oo Qoraxay kabaxsan. Waa maalin ay siwayn u xasuustaan dadka ku dhaqan Tuulada Xudur-ayle iyo deegaanada kuxeeran waana maalinta lamagac baxday Xarayskii oo ah howl gal socday sanadkii 2007.

Lasoco qayb kale oo kamid ah maalmihii Madoobaa ee Ina dhaafay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay