Waxaa si nabad galiyo ah kusoo dhamaaday xaflad aad ubalaadhan oo lagu maamuusayay sanadguuraduu 34aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia.

Xafladan oo aad ubalaadhnayd ayaa lagu qabtay xerada Qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab, waxaana xaflada soo agaasimay maamulka faraca muftaaxul-xoriyo ee kahowlgala xerada Ifo.

Xaflada ayaa furanta abaare 10:00 subaxnimo xiliga Dhadhaab waxaana lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, sidoo kale gudoomiyaha faraca mudane Tamaan Daacad.

Intaas kadib waxaa laguda glay qorshihii xaflada waxaana lagusoo dhaweeyay wufuudii kala duwanayd ee xaflada lagu marti qaaday oo kala ahaa Maamulka Xerada Ifo qaybihiisa kala duwan iyo maamulada Jaaliyada Ogadenia ee Bariga Africa, waxaana dhamaantood laga dhagaystay khudbado taariikhi ah.

Sidoo kale odayaal iyo wax garad kale ayaa soo jeediyay khudbado muhiim ah waxayna dadkii maanta hadlay fariin udireen Jabhada ONLF iyo xubnaheeda iyagoo kula taliyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha jira.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa sinabad ah kusoo dhamaaday xafladii maanta waxaana dadwaynaha wajiyadooda kamuuqday farxad aad ubadan.

ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay