Mudane Musdhafe Muxumed Cumar oo ka hadlay kulan isaga iyo sarakiil masuuliin ONLF ah ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay is afgarad buuxa ka gaadheen dhamaan qodobadii ay kawada hadleen.

Musdhafe ayaa bogiisa facebook waxa uu soo dhigay qoraal uu ku faah faahinayo qodabadii ay ONLF ku heshiiyeen, waxa uuna u qorraa qoraalkiisu sidan: ” Waxaan saaka wadahal la yeeshay wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenia (JWXO) oo uu hoggaminayay halgame Xussen Nuur.

Waxaan is af garad buuxa ka gaadhnay dhamaan qodobadii aan ka wada xaajoonay. Waxaan qaadi doonaa talaabooyin lagu meel marinayo qodobadii aan ku heshiinay. Qodobada aan ka heshiinay oo aan ku koobneeyn inta hoos ku qoran waxaa ka mid ah:

1. In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;

2. In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;

3. In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;

4. In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;

5. In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;

6. In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;

7. In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;

Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan.

Allah Mahad Leh!”

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay