28 xubnood oo ka tirsnaa booliiska Soomaaliya, kuwaasi oo loo haysto eedaymo iskugu jira amar diido iyo musuq-maasuq ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay laanta dambi barista booliiska Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankaasi la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada, kadib markii la soo eedeeyey.

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa u digay ciidanka booliska ee jidadka taagan oo dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in kuwaasi lagu qaban doono gacan bir ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan la dagaalanka musuq-maasuq, waxaana jiray saraakiil iyo mas’uuliyiin loo xiray musuq-maasuq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay