Waxaa lagu qabtay caasimada labaad ee wadanka Swedan magaalada Gothenburg shirkii midnimada iyo wadatashiga shacabka soomaalida Ogaadeniya kaasoo ka kala dhacay dhamaanba daafaha caalamka shirka ayaa waxaa lagula tashan hayay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin jabhadeed iyo xubno kamida jaaliyada Ogaadeniya ee swedan iyo shacab wayne soomaaliyeed oo aad u fara badnaa shirkan ayaa waxaa qudbad dheer dhinacyo badana taabanaysa ka jeediyay Hogaanka Arimaha Bulshada ee ururka ONLF Mudane Rayaale Xaamud Ahmed wuxuuna si qota dheer uga hadlay baahida shacabka soomaaliyeed ee gumaysiga Itoobiya ku hoos jira ay u qabaan Midnimo iyo inay cadawgooda hal meel ugasoo wada jeed sadaan.

Hogaanka oo ku dheeraaday ayaa wuxuu ugu baaqay dhamaanba kasoo qayb galayaashii shirka inay dhamaantood u istaagaan sidii ay u taageeri lahaayeen halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka u tahay xaqoodana u raadsan lahaayeen.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay wafti heersare ah oo kasocday Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Norway waxaana waftigaas horkacaayay isla markaana qudbad soo jiidatay shacabkii soomaaliyeed kasoo jeediyay Mudane Halgame Cabdi shakuur, dhanka kale gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Swedan Mudane Abdirahmaan Bashiir iyo xubno kale ayagoo dhamaantood hoosta ka riiqay in maanta la garab istaago JWXO sidoo kale na loo midoobo mar xalada maanta la maraayo.

Shacabkii shirka kasoo qayb galay oo shucuurta iyo dareenkoodu aad u kacsanaa ayaa waxay goobta ka sheegeen in maanta laga bilaabo ay garab istaagi doonaan JWXO.

ONA/Gothenburg.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay