Hay’ada FBI-da Maraykanka oo baadhitaano waday ayaa dowlada Itoobiya kacodsatay in ay siiyaan 14 bari oo dheeraad ah si ay xog uga keenaan qarixii lala beegsaday Raysal-wasaaraha Cusub ee Itoobiya Abiye Axmed.

Hay’ada oo indhawaalaba mashquulku ahayd baadhitaanka arimaha laxidhiidha habka loomaleegay iyo cida maleegtay qarixii lala eegtay Raysal-wasaaraha ayaa sheegtay in ay wali wax kadhiman yihiin macluumaad koodii.

Ciidanka sirdoonka Itoobiya ayaa horaanba usoo gudbiyay in ay qaraxan lug kulahaayeen xubnokatirsan nabad sugida Itoobiya, kuwaas oo sitoos ah ugu xidhan maamulkii wadanka ka arimin jiray ee Tigreega, kuwaas oo doonaya in ay fashiliyaan maamulka cusub ee kuyimid kacdoonkii qoomiyada Oromada.

Ciidanka amaanka Itoobiya ayaa horaanba uqaqabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay lug kulahaayeen qarihii lala beegsaday Abiye Axmed xili uu doonayay in uu lahadlo dhowr Malyan oo Itoobiyaan ah gudaha magaalada Addis Ababa.

Hay’ada FBI-da Maraykanka oo lug kulahayd baadhitaanka lagu hayo arinta kusaabsan qaraxaas ayaa codsatay wakhti dheeraad ah oo ay ku cadaynayaan wixii meesha kadhacay iyo cidii kadambaysay iyo sidii ay wax udhaceen.

Dadka baadhitaanka lagu wado waxaa kamid ah kuxigeenkii kumashineerka Booliiska ee magaalada Addis Ababa, kaas oo isaga iyo 16 qof oo kale lagusii daayay damiin si baadhitaan loogu sameeyay faldambiyeedka lagu soo eedeeyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay