Waraka naga soo gaadhaya xarunta dhexe ee JWXO aya waxay sheegayaan in ciidamada jabhada ONLF qaybta Birjeex ee gobolka Shabeele ay shir abaabul ah u qabteen shacabka ku dhaqan tuulada shiiniile oo wax yar u jirta dagmada Dhanaan ee gobolka Shabeele.

Ciidamada JWXO ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay tuulada Shiniile waxaana wadooyinka magaalada isugu soo baxay shacabka tuulada shiniile.

Naftood hurayaasha oo shacabka qudbado aad u qiimo badanu jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa naftiihure Sheekh Amiin taliyaha qaybta Birjeex ee ciidanka ONLF wuxuuna shacabka u jeediyay hadalo aad u dhiiri galiyay shacabkii shirka kasoo qayb galay.

Shirka oo saacad ka hor soo  xidhmay ayaa waxaa lagusoo gaba gabeeyay si guul ah waxaana shacabka iyo ciidanka JWXO oo si aad isugu oo manaa ay isla qaataan wakhti fiican.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay